Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Dalka Sucuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ay ku sii jeedaan Dalka Sucuudiga iyaga oo casuumaad ka helay boqorka dalka Sucuudiga.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa soo cimreeeysan doono isga oo u soo duceeyn doono umada Soomaaliyeed.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo uu dalka kaga baxo tan iyo markii xilikaasi loo doortay 08-tii bishaan Febuary kadib doorasho ka dhacday Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta aanu dalka ka amba bixin waxa uu saakay magacaabay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya isaga oo u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ah Aqoonyahan Dhalinyaro ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho