Maraakiib Jariif oo taagan Xeebta Bosaso

BOSASO-[Puntland Post] Marakiib Nooca Jariifka ah aya wax ay soo buux dhafiyeen Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari,.

Maraakiibtan ayaa wararku sheegayaan in ay sugayaan in ay helaan warqadaha ruqsada ee ay ku kaluumeysan lahaayeen.

Shacabka magaalada Boosaso ayaa isweydiinaya ujeedka Maraakiibtan muddada dheer u taagan yihiin xeebta, iyo waxa maamulku uga aamusan yahay.

Dhawaan ayey ahad Markii Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxmed Cali Gaas uu hishiis la galay shirkad laga leyahay dalka Shiinaha oo ay Puntland Kula heshiisay in ay sii so Qandaraas ah in ay ka kaluumaysto Xeebaha Puntland.

Waxana warar uu helayo war sidaha Puntland Post Xafiiskisa Boosaso ay sheegayaan in Marakiibtan Taagan Xeebta Boosaso laga leeyahay dalka Shiinaha iyo Thailand.

Wasarada kaluumaysiga iyo khayradka Bada ee Puntland ayana ka hadal xiligan sababta keentay Maraakibtan so buux dhaafiyey Xeebaha Magaalada Boosaaso.

Kaluumaysato badan o Reer Puntland ayaa si aad ah xiligan uga cabanaya Jirifka ba,an ee xiligan ka jira Xeebaha Puntland.

CABDIQANI BOS

PUNTLAND POSTÂ