Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Mamulka Galmudug oo Cadaado Gaaray

Xildhibaano ka Tirsan baarlamanka Mamulka Galmudug oo uu hogaaminaayo Gudoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Maamulkaas Xareed Cali xareed ayaa maanta Gaaray Magaalada Cadaado iyagoo ka amba-baxay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdiga xildhibaanada ay si nabad ah kaga tageen Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe ay ku xanib naayeen islamarkaana si nabad galyo ah ay ku gaareen magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in kulankooda ugu horeeya ay yeeshaan ay ku go’aamiyaan waqtiga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maana lagu waday in ay ka dhacdo Magaalda Cadaado.

Xasan maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho