Galmudug oo qabanaysa Doorashada Madaxweynahooda

Waxaa dib u dhacay doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la filayay maanta in lagu qabto magaalada Cadaado oo si kumeelgaar ah xarun ugu ah maamulkaas,

Arrimo farsamayo ayaa la sheegay in dib u dhigtay doorashadii dhici lahayd,sida lagu sheegay war kasoo baxay guddi xildhibaanno u badan oo qaban qaabaniya doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Warka kazoo baxay guddigan ayaa lagu beeniyay in laga tanaasulay doorashada Madaxweynaha Galmudug, Waxayna sheegeen in qorshuhu yahay sidii horey loo go,aamiyay, Mana aysan sheegin waqtiga kama dambeysta ah ee la qaban doono Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug waxaa ku hawlanaa Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug, Kuwaas oo horey xilka uga qaaday Cabdikariim Guuleed .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST