Farmaajo:-“Dagaalka Al-shabaab Muddo 2-sano ayaa Lagu Soo Gaba-Gabeyn Doonaa”,

Madaxweynaha Jamuuriyada Federlka Soomaaliya mudane Mohamed Abullahi Farmajo oo kulan la yeeshay Safiirada dalalka Ciidamada Soomaaliya ay ka joogaan iyo waliba qaar kamid ah madaxda midowga Africa ayaa balan qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya si looga adkaado dagaalka lagula jiro Xarakada Al shababaab oo ah caqabada ugu weyn amaanka iyo nabada dalka sida lagu sheegay war kasoo baxay AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in baahi deg-deg ah loo qabo in lala dagaalamo Xarakada Al shabaab si looga adkaado isaga oo xusay in ay diyaar u yihiin in doorkood ay qaataan beesha caalamka si Soomaaliya ay u gaarto barwaaqo.

“Aragtideyda waa in aan dagaalka Xarakada Al shabaab kaga adkaada labada sano ee soo socota, waxaan rajo weyn ka qabaa hadii aan si dhaw uwada shaqeyno in laga adkaanayo Al shabaab waana aragti aan doonayo in labada sano ee Soo Socota in Soomaaliya lagu soo dabaalo nabad iyo xasilooni” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha jamuuriyada soomaliya mar uu kulan kula qaatay villa soomaaliya safiirada iyo hogaamiyayaasha madaxda midowga Africa oo soomaaliya ciidamadooda ay ka joogaan.

waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka qaaska ah ee midowga Africa u qaabilsan soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, safiirka Kenya ee soomaaliya u fadhiya . Gen. Lucas Tumbo, safiirka jabuuti u fadhiya soomaaliya aden hasan aden, ku xigeenka safiirka ethopia ee soomaaliya Jamaludin Mustafa Omar, xoghaya 1-aad safaarada Uganda ay ku leedahay soomaaliya sheikh muhindo alamin iyo waliba saraakiil kale sar sare oo katirsan midowga Africa.

Waxaana sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ku booriyay howlgalka Amisom iyo ciidamada qaranka soomaaliya in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan dagaalka Xarakada Al shabaab si gabi ahaanba loo soo afjaro.

Xasan maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho