Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Macdanta Puntland Oo Xilka la wareegay

Boosaso[Puntland Post]Waxa Maanta Xarunta Hay,adda Macdanta iyo Badroolka Puntland ee Magaalada Boosaso ay ku leedaha ka dhacaday Munasabad kooban oo ay xilalka kula kala wareegayen Agaasimihii hore Ee Hay,adda Macdanta iyo Badroolka Puntland iyo Agasimaha Cusub oo uu dhawan soo Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Waxana ka Soo Qayb Galay Agasimihii Hore Ee Hayada Macdanta Iyo Badroolka Puntland Agaasimaha Cusub, Maamulka Gobalka Bari Wasiiro Ka Tirsan Puntland, Siyaasi Cali Cabdi Awaare, iyo Masuliyiin Kale.

Agaasimihii Hore Ee Hay’adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Ciise Dhalo Ayaa Ku Warejiyay Agaasimaha Cusub Waraqihii Cadeynayay Shaqalaha Hayada Furayasha Hal Gaari Iyo Felasha Ceelal Shidaalka oo Ay Puntland Ka Qodeen isagoona sida oo kale sheegay in mudadii uu hayey xilka in uu wax badan ay u qab someen islamrkaan ay guul ka Gaareen.

Agaasimaha Cusub ee Hay,adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Siciid Faarax Yare ayaa umahad celiyey Agasimihii Hore shaqada adag uu soo qabatay iyo sida wanagsan ee uu xilka ugu wareejiyey isagoona Ale ka baryey in xilka uu maanta la wareegay uu u fududeeyo.

Gudomiyaha Gobalka Bari Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Ayaa U Mahad Celiyay Agasimihii Hore Wax Qabadkii Uu Soo Qabtay isagoona Agasimaha Cusub kula dar daaramay in shaqada uu halkaa ka sii wado.

Wasiirka Dekadaha Gadiidka Bada Iyo La Dagalanka Burcad Badeeda Puntland Siciid Maxamed Raage oo ugu dan banti munasbaada ka hadalay Ayaa Maamulki Hore Ku Boriyay Inay La Shaqeyaan Maamulka Cusub si ay isku kaashadan isla markaan ay isku waydarsadan fikirada wanaagsan.

Dhawaan ayeey aheyd markii Xilkan uu Madaxweynaha Puntland u Magaacabay Agasimaha Cusub Ee Hay’adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Siciid Faarax Yare waxana xiligan hor yaala Aarimo badan .

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST