Weeraro lagu dilay Masuuliyiin iyo dad rayid ah oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay maanta ilaa 5 dil oo loo geeystay Dad kala duwan.

Dilkii ugu horeeyay ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir halkaasi oo dableey hubeeysan ay ku dileen qof rayid ah.

Sidoo kale Koox hubeeysan oo Dableey ah ayaa agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho qof kale oo rayid ah iyaga oo kooxihii dilkaasi geeystayna ay baxsadeen.

Sidoo kale Dableey hubeeysan ayaa saakay laba qof waxa ay ku weerartay degmada Xamarweyne waxaana ay dhaawaceen labadii qof.

Dhanka kale koox hubeeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa Sarkaal katirsan NISA ku Weerartay isgooyska Ceel Gaab Waxaana ay halkaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Taliye Xasan Dheere oo ahaa Taliyi ku xigeenkii NISA ayaa dhaawacmay Waxana geeriyooday mid kamid ah ilaaladiisa xili ay rasaas ay ooda kaga qaadeen koox hubeeysan oo goobta ka baxsaday.

Ugu dambeeyntii Koox Hubeeysan ayaa Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximin iyo Xeeb Mohamed Cumar mar Hagafeey.

Marxuum Ex Afhayeenkii Ximin iyo Xeeb Hagafeey

Waa dilalkii ugu horeeyay oo Ceenkaan oo kale oo ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo markii Muqdisho lagu doortay 08 Febuary Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho