Wasaarada Deegaanka Puntland oo daahfurtay Mashruuc lagu hormarinayo hab nololeedka Xoolo dhaqatada iyo beeralayda

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ayaa maanta Daahfurtay Mashruuc cusub oo lagu hormarinayo laguna daryeelayo Xoolo-dhaqatada iyo beeralayda Puntland kaas oo loogu talagalay in looga badbaado biyo yarida imika Puntland kajirta, furitaankii mashruucaan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka wasaarada Deegaanka, kuxigeenkiisa, wasiiro katirsan dawlada Puntland, agaasimeyaal guud, qaarkamid ah gudoomiyeyaasha gobolada Puntland, hay’adaha bahwadaagta la ah wasaarada iyo odayaasha dhaqanka ee Puntland.

Kusimaha agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Maxamed Ciise Maxamed oo furitaankii xafladaas ka hadlay ayaa sheegey in mashruucan cusub uu tijaabo iyo bilow u yahay mashaariico badan oo loogu talagalay in lagu badbaadiyo xoolo dhaqatada iyadoo xili adag oo abaar ah imika lagu jiro.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka Mudane, Faarax Cali Cabdi ayaa dhankiisa sheegey in mashruucan ay ahayd in horey loo daahfuro balse maadaama sahankiisa iyo meelihii laga fulin lahaa la astaynayey ay wasaaradu go’aansatay in dib loo dhigo mashruuca daahfurkiisa oo xooga la saaro meelihii laga fulin lahaa si uusan wakhti badan uga lumin bulshada.

Wasaarada Deegaanka ayaa intaas kadib soo bandhigtay warbixin ku saabsan Mashruucan iyo qaabka loo fulinayo kuwaas ay kujiraan biyo xireeno ilaa Afar ah oo laga fulinayo gobolada Puntland, dhismayaal ay leedahay wasaarada Deegaanka oo laga fulinayo gobolada, sahmin iyo qiimayn lagu samaynayo xaalada deegaanka uu ku suganyahay iyadoo wasaaradu ay doonayso in mashruucan oo ah mid tijaabo ah uu waxbadan ka badalo xaalada nololeed ee Puntland.

Qaarkamid ah odoyaasha dhaqanka oo ka kalayimid deegaano badan oo Puntland ay iyo Gudoomiyeyaasha gobolada Puntland oo Iyana ka hadlay xaflada ayaa Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jirto in laga gudbo biyo yarida iyo dhibaatooyinka deegaanka waxaana ay rajo wanaagsan ka muujiyeen In waxbadan iskabadalaan xaalada dalku kujiro.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo furitaankii mashruucan ka hadlay ayaa sheegey in Mashruucan oo ah mid tijaabo ah oo uu degdeg Puntland uga bilaabmi doono.

Wasiirku wuxuu sheegey in wasaaradu ay ku mashquulsantahay in laga hortago dhibaatooyinka xaalufka ee ay keenaan biyaha khasaaraya iyo in laga faa’iidaysto biyaha khasaaraya, wasiirku wuxuu dadka Reer Puntland ugu baaqay inay ka qaybqaataan dadaalka adag ee ay wasaaradu ugu jirto samaynta biyo xireenada iyo badbaadinta deegaanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST