Madaxweyne Farmaajo oo safarkiisii ugu horeeyay ugu amba baxay dalka Dibadiisa

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu safar dhanka dibada ah uu u amba bixi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagaya dalka sucuudiga waxaana soo baxaya warar kala duwan, oo qaar kood ay sheegayaan in uu madaxweynuhu soo Gudan doonto Cumrada islamarkaasina uu aadayo Xaramka barakeeysan, halka warar kalena ay sheegayaan heegayaan in madaxweyne Farmaajo uu casuumaad ka helay Boqorka sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdala binu Caziiz.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 08 Bishaan Febuary waxaa lagu doortay magaalada Muqdisho Muqdisho iyadoo maalintii khamiista aheydna uu la wareegay talada dalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho