Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay safiirada dalalka howlgalka AMISOM

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta  isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM  iyo saraakiishooda, isagoo kala hadlay howlgalka AMISOM

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida  ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan  dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee mar ka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalka gobollo badan oo ka tirsan ay ka jiraan Abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in  si nabad ah dadka loo gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda, ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira.

Kulan waxaa joogey oo madaxweynaha ku wehliyey, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo howl-wadeenno kale, waxaana la isku afgartay in  si deg deg ah loo dardargaliyo howlgallada lagu soo afrjarayo kooxda Al-shabaab.

PUNTLAND POST