Ilka Xanaf: “Farmaajo hasoo celiyo Dadkii sida Sharci-darada ah Xilka looga qaaday oo aan kamid ahay”

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf oo la hadlay Warbaahinta  Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilka Xanaf ayaa sheegay in doorashada dhacday iyo qaabka loo marayba aysan sharci iyo Dastuuri midna ahayn hasa yeeshee ay wax wanaagsan oo ah in la doortay madaxweyne loo baahanyahay oo dalka iyo dadka samata bixinkara ay kasoo baxeen, isagoo hadalkiisa intaa ku daray in dalku uusan sharci ka jiri tan iyo markii isagau iscasilay.

Madaxweynaha Cusub ee la doortay ayuu sheegay in looga baahanyahay inuu dalka kusoo dabaalo sharci uuna soo celiyo dadkii uu sheegay in sida sharci darada ah xilka looga qaaday oo isagu uu ka mid yahay isagoo tusaale usoo qaatay In qodobada xil ka qaadistiisa loo cuskaday qaarkood ay awood siinayeen isaga.

Caydiid Ilka Xanaf oo sii hadlaya ayaa waxaa uu kula taliyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Baarlamanka Soomaaliyaba in looga baahanyahay inay hagaajiyaan Garsoorka,Caddaaladda iyo Dastuurka dalka, Si gaara Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in laga doonayo inuu dhiso guddi dhameystira dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya uuna madaxweynuhu sameeyo sharci iyo Garsoor Caddaalad ku dhisan.

Caydiid Ilka Xanaf ayaa muddo soo ahaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya waxaana dhawr mar oo ay is qabsadeen madaxweynihii waqtigaa ee Xasan Sheekh ugu dambeyntiina waxaa uu ku dhawaaqay inuu is-casilay,marka la eego qof ahaanna waa nin wax badan ka yaqaanna arimaha garsoorka,Caddaaladda iyo sharciyada dowliga ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post -Muqdisho