Fadlan ka qeybqaado caawinta gabadh miskiin ah oo ku nool Garowe

Farxiyo Diiriye waa curyaan misana dhimirka la,a Waxayna cadeeyeen dhakhaatiirta magaalada Garowe in madaxa buro kaga taalo Islamarkaana aan gudaha wadanka wax looga qaban karin,waxaana intaas usii dheer ma haysato Farxiya ehel iyo qof daryeela toona, waxayna kaga nooshahay Sandaqad uga dhisan bog-cad reero leeyihiin.

Abshir Siciid Jaamac oo ah wiil dhalinyaro ah oo daris la ah goobta ay ku nooshahay gabadhaan Islamarkaana gacanta ku haya ayaa PUNTLAND POST fariin u farey dhamaan ummadda islaamka iyo dadka Soomaaliyeed inay kala qeyb qaataan caawinta gabadhaan Curyaanta ah oo misana xanuunsan.

Waxa uu sheegay Abshir Siciid in muddo saddex sano ah ay ku jirtay Farxiyo Diiriye xaaladaan, Islamarkaana baahida ugu muhiimsan oo ay hadda la tacaalayaan la xiriirto sidii loogu heli lahaa goob ay kusii noolaato madaama sida uu sheegay reerihii lahaa goobta ay ku taalo sandaqa ay ku nooshahay Farxiyo ka dalbadeen in loo baneeyo booskooda oo ay sheegeen inay dhisanayaan.

Haddaba wixii faahfaahin ah ka daawo muuqaalka hoos ku jira, Sidoo kalena kala xiriir Telefon Number +252 907 672558 

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST