Ciidamada Dowlada oo qaabtay Gaari ay Wateen Dableey Dilal ka Geeystay Muqdisho

Ciidamada Nabadsugida Dowlada Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay gaari loo yaqaano Noaha oo Dableey wateen ay dad ku rasaaseeyeen Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa gaarigaan waxa ay ku qabteen Xaafada Jamhuuriyah Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

sidoo kale ciidamada ayaa qabtay rag gaarigaasi la socday oo ahaa kooxiii ka dambeeyay dilalkii qorsheeysnaa ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Maanta Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheeysan iyo weeraro lagu qaaday saraakiil katirsan NISA waxaana dadka dableeydu ay dishay ku jiray Allaha u naxariistee Afhayeenkii hore ee Ximin iyo Xeeb.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho