Tuulada YOONBEYS Gobolka Nugaal oo horumar ka samaysay Arrimaha Bulshada.

Waa magaalo_yar oo sanadihii u dambeeyay horumar ka samaysay Waxbarashada,Ganacsiga,Caafimaadka iyo Adeegyada Asaasiga u ah Bulshada, Waxayna 100 KM u jirtaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe, Waana deegaan ku yaala Hawdka Gobolka Nugaal.

Wariyaal ka tirsan PUNTLAND POST oo booqasho gaaban ku tagay ayaa ka diyaariyay warbixin ku saabsan kobaca iyo baahiyaha waxbarashada ee halkaas ka jira, Xilli ay ka mid tahay tuulada YOONBEYS  deegaanada mujtamac caruur badan leh ku nool yihiin.

Reer YOONBEYS waa bulsho habka isku tashiga horumar ka sameeyay ,Waxayna mudan yihiin in laga taageero baahiyaha wali ka jira xaga waxbarashada sida dhisme dugsiga sarre oo hadda ardeydiisu si kumeel gaar ah wax ugu bartaan xarunta dugsiga dhexe ee YOONBEYS.

Daawo warbixin ku saabsan Waxbarashada YOONBEYS.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST