Madaxweyne Farmaajo oo Magaacabay Xilal Muhiima

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay xafiiska la wareegay ayaa magacaabay xilal kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la Taliyihiisa Amniga Qaranka u magacawday Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka,

Mas’uulkaan la magacaabay ayaa la dhashay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ahna Madaxa Xisbiga Daljir.

La Taliyaha Cusub ayaa haysta Paasaporka dalka Britain, sidoo kale waa sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida Qaranka, waxaa uu horay u soo noqday La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynayaashii hore.

Goor sii horeysay ayay aheyd markii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Magaacabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Madaxa Hab maamuuska ama Protocol-ka Madaxtooyada, kuwaasi oo loo kala magacaabay:-

Dr. Cali Saciid Faqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, iyo Siyaad Maxamuud Shire oo horey usoo noqday Qunsulka Guud ee Jeddah, ka horna Qunsulka Nairobi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *