Sanadkii 2016 maxaa ka dhacay deegaanada Puntland ?

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa saxaafadda u akhriyay kiisaska ka dhacay Puntland sanadkii lasoo dhaafey 2016, kuwaas oo isugu jiray Shilal, Fal-danbiyeedyo,Kufsi IWM.

Xeer Ilaaliye Maxamuud Awcismaan ayaa sheegay inay gaarayaan tirada shilalkii dhacay 4,912 (Afar kun, Sagaal boqol iyo Laba iyo Toban shil ) oo ka dhacay sanadkii lasoo dhaafey deegaanada Puntland,Halka uu ku sheegay tirada guud ee danbiyada dalka ka dhacay gaar ahaan qeybta ciqaabta ee yimid maxkamadaha 4,717 (Afar kun,Todobo boqol iyo Todoba iyo Toban).

Xabsiyadda Puntland eek u kala yaala magaalooyinka Bosaso, Qardho, Garowe iyo Gaalkacyo ayuu ku sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland tirada maxaabiista ku jirta inay gaareyso 1002 ( Kun iyo Labo Maxbuus oo isugu jira Xukumane iyo Xukun suge.

Kufsiga ka dhacay sanadkii lasoo dhaafey deegaanada Puntland oo noocyo kala duwan isugu jiray ayuu sheegay Xeer ilaaliye Maxamuud Xasan in tiradiisu gaarayo 123 kufsi, wuxuuna sharaxay siday kiisaskaasi uga kala dhaceen Gobolada .

  1. Gobolka Nugaal waxaa ka dhacay 11 kiis oo Kufsi ah.
  2. Gobolka Bari waxaa ka dhacay 58 kiis oo kufsi ah.
  3. Gobolka Karkaar waxaa ka dhacay 26 kiis oo kufsi ah.
  4. Gobolka Cayn waxaa ka dhacay 2 kiis oo kufsi ah.
  5. Gobolka Mudug waxaa ka dhacay 13 kiis oo kufsi ah.
  6. Gobolka Sanaag waxaa ka dhacay 4 kiis oo kufsi ah.
  7. Gobolka Haylaan waxaa ka dhacay 9 kiis oo kufsi ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland Maxamuud Xasan Awcismaan ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay sababaha keenay inay sii kordhaan kiisaska la xiriira kufsiga haweenka, wuxuuna ku sheegay dhawr arrimood oo kala ah.

  • Anshax xumo dhalinyaradu ka bartaan aflaanta qaaqaawan.
  • Kufsi aano ah ama aargoosi ah,
  • Kufsi lagu doonayo dhaqaale.
  • Kufsi caadi ah oo la xiriira qaababkii horay u dhici jireen kufsiyadu.

Daawo Xeer Ilaaliye Maxamuud Hassan Awcismaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST