Nabadoon Wax kasoo Dhisay Xildhibaanada Baarlamaanka oo Muqdisho lagu Dilay

Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in salaadii maqrib ee xalay kadib gudaha degmadaas lagu dilay mid kamid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed.

Ala Ha u Naxariistee Nabadoon Muuse Ilka-weyne oo kamid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed ayaa lagu dilay xafadda Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir xili uu kasoo baxay Salaadii Maqrib sida Warbaahinta Gudaha Muqdisho ay u sheegeen dad halkaas ku sugnaa.

Nabadoonka ayaa dad’diisa ay aheyd 70 Jir waxaana uu kamid ahaa Nabadoona wax kasoo dhisay  Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay sheegayaan wararka

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa durbadii gaaray Ciidamada dowlada Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaano, lama ogo cida loo soo qabtay dilka.

Dhoowrkii maalin aynu soo dhaafnay muqdisho waxaa ka dhacayay dilal loo geystay Nabadoonada Soomaliyeed oo intooda badan kasoo laabtay xarumaha maamul goboleedyada oo xildhibaanada laga soo doortay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho