Maxaa kala qabsaday kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal kulankii Champions League-ga?

Kooxda cubada cagta Bayern Munich ayaa mar kale xalay garoonkeeda Allianz Arena 5-1 ugu awood sheegatay kooxda reer England ee Arsenal, kulan ka tirsanaa tartanka UEFA Champions League-ga.

Thiago Alcantara ayaa qaab ciyaar wanaagsan sameeyey , kadib markii uu Labo gool dhaliyay midna uu caawiye ka ahaa, waxaana sidoo kale min hal gool dhaliyay Arjen Robben, Roberto Lewandowski iyo Thomas Muller.

Bayern  ayaa heshay goolkeeda Kawaad daqiiqadii 11-aad ee bilowga ciyaarta, kadib markii Arjen Robben kubad jaran oo uu ka soo tuuray afka hore ee xerada ganaaxa ay dhanka bidix ka gashay shabaqa Arsenal, isagoo ciyaarta kadhigay 1-0.

Arsenal ayaa goolka barbaraha la timid daqiiqadii 30-aad, kadib markii khalad lagu galay Laurent Koscielny taas oo keentay in Arsenal lagu abaal mariyo gool ku laad waxaana u isataagay Alexis Sanchez laakiin goolhaye Manuel Neuer ayaa badbaadiyay goolkaas, laakin khaladaad ay galeen difaacyada Bayern ayaa keentay in labo jeer ku bada ku laado goolhaye Neuer ugu danbeyn Sanchez ayaa ciyaarta ka dhigay 1-1.

Laakiin Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern u keenay goolka Labaad kadib markii kubad uu caawinaada ka helay Philipp Lahm uu shabaqa dhexdhigay, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Wixii intaas ka danbeeyay goolasha Bayarn ayaa noqday Tusbax la furay ka dib markii daqiiqadihii 56-aad iyo 64-aad uu Thiago Alcantara dhaliyay goolasha Sedexaad iyo Afraad , halkaThomas Müller uu ku soo gaba gabeeyay goolka Shanaad daqaaqadii 88-aad ee dhamaad ciyaarta isagoo ka dhigay 5-1.

Natiijadan ayaa la mid ah guuldardii foosha xumayd ee sanadkii 2015 Arsenal  ka soo gaadhay garoonka Bayern ee Allianz Arena.