Madaxweyne Farmaajo oo la wareegay Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayaa waxa uu maanta si rasmi ah ula wareegay Xafiiska shaqada ee Villa Somaliya,.

Munaasabadaan oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay  ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya .

Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay hadiyado kala duwan loogu keenay magaca Qaranka Somaliya, waxaana la tusay Saxaafadda, iyadoo qalabkaasi ay ka mid ahaayeen agab ka sameysan Dahab iyo Qalin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay maanta inuu si rasmi ah u wareejiyo xilka Villa Somaliya, wuxuuna sheegay Somaliya inuu u baryay waa cusub, islamarkaana dalka uu galaayo horay u socod.

Ugu danbeyntii madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore dedakiisii uu dalka ku soo hogaaminayey Afartii  sano ee xilka hayey , isagoo sheegay in Soomaaliya ay u bilaamatay waqti cusub oo shaqo  cusub oo adag laga sugaayo kxukuumadiisa

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho