Madaxweyne Farmaajo oo kala Hadlay Safiirka Sweden Abaaraha ka Jira Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) oo maalmahan kulamo la lahaa Safiirrada dalalka shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay Safiirka Sweden Mudane Mikael Lindvall, waxa ayna ka wada hadleen sidii dowladda Sweden ay uga qeyb qaadan lahayd abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka Soomaaliya, amniga, maalgashiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen. Waxaan u baahannahay waxqabad degdeg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto. Waxaan dowladaha saaxiibka ah oo ay Sweden ugu horreyso ka codsanayaa in ay kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Danjire Lindvall ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii doorashada isaga oo sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa tayeynta laamaha amniga, maalgashiga ay dowladda Sweden ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Gebogabadii kulanka, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay safiirka Sweden taageerada ay dowladdiisu ka geystay soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida uu dalkaasi mar walba u garab taaganyahay hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST