Cali Khaliif Galeydh oo ka degay Laascaanood

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa maanta ka degay garoonka diyaarahada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cali Khaliif Galeydh iyo xubno la socday ayaa diyaarad khaas ah ka soo qaaday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti halkaas oo ay u joogeen maaalmihii u danbeeyay wadahadalo ay la lahaayeen Somaliland.

Galeydh ayaa magaalada Laascaanood waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin maamulka gobolka kan degmada, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Ucud Faysal Cali Waraabe iyo qaar ka mid ah bulshada magaalada.

Warar qaar ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galeydh uu markii hore ka dagi lahaa garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle balse ay u diideen ciidamo uu hogaamiyo Cabdifataax Baydan oo 6-kii bishan ka hor istaagay in uu ka dhoofo garoonkaas, kuwaas oo ka soo horjeeda siyaasada Cali Khaliif.

Ugu danbeyntii Cali Khaliif Galeydh iyo xubnihii la socday ayaa safar dhulka ah u gudbay deegaanka Whid-Widh oo ka tirsan Buuhoodle.

PUNTLAND POST