Bosaso: 127 Adray ka Qalin Jebiyay Jaamacada Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 16  February, 2017  ka qayb galay xafladda qalin jebinta dufcaddii 5-aad ee ka baxday  jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso.

Ka qayb galka xalfada qalin jebinta ardayda jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka degmada Boosaaso, kan gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qalin jebisey Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso, waxaana uu madaxweynuhu maamulka jaamacadda iyo waalidiinta ardayda mahad balaaran uga jeediyey sida ay ula garab istaageen ardayda dedaal iyo maalba, isla markaana ay ka mira dhaliyeen hiigsiga mustaqabalka ardayga.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka  Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa ku booriyey ardayda ka qalin jebisey jaamacada Muqdisho ee magaalada Boosaaso inay dhamaystaan waxbarashadooda inta u dhiman, isla markaana ay dhabaystaan inay yihiin madaxdda mustaqbalka dhow ee Dalka.

Wasiirka wasaarada waxbarasha iyo tacliinta sare ee Dawladda Puntland Mudane. Abshir
Aw-yuusuf Ciise ayaa isna dhan kiisa wax lagu farxo ku tilmaamay ardayda ka qalin jebisey Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso kuwaas oo tiradoodu dhantahay 127 arday, isla markaana isugu jiray arday ka qalin jebisey 7 dufcadood oo ka mida Faculty-yada lagu barto Jaamacada.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada waxbarasha ayaa timaamay in jaamacada Muqdisho ay ka mid tahay Jaamacadaha ugu tayada wanaagsan ee ka jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dr. Cali Shiikh Axmed oo kamida guddiga sare ee Jaamacada Muqdisho ayaa ku dheeraaday marxaladaha kala duwan ee ay Soo martay Jaamacadu,waxaana uu sheegay in Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ay doorwayn ka qaateen dhismaheeda iyo tayeynteeda xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Puntland tan iyo intii dhidibada loo taagey.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha  ayaa daah furay magac cusub oo lagu bedelay faraca jaamacadda muqdisho ee magaalada Boosaaso, waxaana loo bedelay magac cusub oo noqonaya Redsea University ama Jaamacadda Badda Cas ee magaalada Boosaaso.

Labada Jaamacadood ayaa qorshe ahaan isku mid ah balse ku kala duwan magaca iyo nidaamka ay u shaqaynayaan, waxaana ka dhaxayn doonta wada shaqayn ballaadhan oo ku salaysan horumarinta tacliinta iyo wixii la mid ah.