Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay in Caafimaadkiisu wanagsan yahay

Bosaso-[Puntland Post] Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa dib ugu soo labtay Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari, ka dib mudo 5 bilood ah oo uu hawlo caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya.

Wasiirka Amniga  Puntland ayaa ka hadlay Xaladiisa caafimaado waxaana uu sheegay in xiligan ay tahay mid aad u wanagsan.

Falalkii dilka ahaa ee loo gaysto Masuuliyiin ka tirsan Puntland ee ka dhacay magaalada Boosaso ayuu ka hadlay waxaana uu sheegaya in talaabooyin ay qadeen lamaha Amanku islamrkaana wixii ka dhiman uu qaban doono madaama uu dalka dib ugu soo labtay.

Shacabka Reer Puntland ayuu ugu Baaqay in ay meel uga soo wada jeestan wixii Amanka khal khal ku wada  lamaha Amankana ay la socod siiyan.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST