Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Hargeysa lagu xiray

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliand ayaa ku waramaya in halkaasi lagu xiray wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Wariye Coldoon ayaa ku sugnaa Muqdisho waxaana uu la kulmay islamarkaasina uu taageero u ahaa Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wariye Coldoon ayaa hadda lagu xiray jeel ku yaala Hargeysa xili maanta uu ka dagay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliand.

Wariye Coldoon ayaa dhowr jeer waxaa xabsiga dhigay ciidamada Somaliand iyo kuwa dowlada Itoobiya.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Smaatar Cowke 

Puntland Post