Soomaliand oo Warqad codsi ah u dirtay Donald Trump

Xukuumada Somaliland ayaa ka codsatay dowladda Mareykanka in laga saaro liiska dalalka Trump uu ku soo rogay xayiraadda Socdaalka.

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagu xusay in Isniintii dowlada Somaliland ay warqad u qortay dowladda Mareykanka taasoo ay ku codsatay in xayiraada dadkeeda laga badbaadiyo.

Ugu dambeyntii, Dhawaan ayaa Donald Trump uu kusoo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah dalka Maraykanka dadyowga todobo dal oo dalka Soomaaliya uu kujiro.

Somaliland ayaana dalabkan dooneysa in loo meel mariyo maadaama ay  sheegato in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Xigasho: AP

PUNTLAND POST