kulan xusuustiisa leh oo caawa dhex mari doona Bayern iyo Arsenal

Munich-[Puntland Post] Waa habeenkii labaad ee Champions League-ga, kadib kulankii weynaa ee xalay dhexmaray Paris Saint Germain iyo Barcelona, caawa waxaa mar kale kulan xusuustiisa leh aadna loo wada sugayo uu ka dhici doonaa garoonka Allianz Arena ee ku yaala gobolka Bavaria.

Bayern Munich ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Arsenal, waana markii Afaraad oo ay isku arkayaan wareegga lug-baxda Champions League-ga, sidoo kalana waa kulankii 11-aad oo ay labadaan kooxood is wajahaa tartamada rasmiga ah.

Carlo Ancelotti ayaa muddo kadib ka hor imaan doona Arsenal, waxaana macalinkaan reer talyaani uu xusul duub ugu jiraa inuu kooxdii sadexaad la qaado koobka Champions League-ga.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST