Xilliga la qabanayo caleemo saarka Farmaajo iyo Madaxda Africa oo lagu kala ogaan doono

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST  in loo asteeyay inay Muqdisho ka qabsoonto 22 bishaan Febuary 2017 xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Islamarkaana lagu casumay inay kazoo qeyb galaan Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Brundi, Ugandha, Jabuti, Ethiopia iyo guud ahaan Dalal ka tirsan Midowga Africa.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyay gaarsiisay madaxda dalalka Africa kazoo qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo, taas oo sida la qorsheeyay lagu wado inay Muqdisho ka qabsoonto 22 Febraury 2017.

Soo ajiibida/kazoo qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo  Madaxweynayaasha dalalka Africa gaar ahaan kuwa ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya ayaa noqonaysa mid lagu kala saari doono aragtida rasmiga ee ay ka qabaan doorashadii uu dhawaan ku guulaystay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaana dadka falan-qeeya arrimaha siyaasada qaarkood ku fasirayaan inay sawir ka bixin doonto kazoo qeyb galka madaxda dalalka Africa xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya , Waxayna ka turjumi doontaa haddii ay soo ajiibaan madaxda loo diray caasumaada sawir ka duwan midkii horey looga qabay inay cuqdad ka qabaan dalal ka tirsan qaarada Afrika guushii  Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale haddii ay usoo diraan Madaxweynayaasha lagu casumay kazoo qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya wakiilo ka socda dalalkooda sida Wasiiradooda Arrimaha Dibada iyo Wakiilo kale ay taasina bedelkeeda noqon doonto mid  xoojinaysa tuhunkii ku aadanaa in qaar badan oo ka mid ah dalalka ku yaala qaarada Afrika suluugsan yihiin doorashadii uu ku guulaystay Madaxweyne Farmaajo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST