Dagaal culus oo ka bilowday Deegaanka Camaara

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal culus uu goordhow ka qarxay deegaanka Camaara ee Gobolkaas, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Huwanta ah iyo Al-shaabab oo deegaankaas ku xoogan.

Dagaalkan goordhaweyd ka qarxay deegaanka Camaara ayaa bilowday kadib markii la sheegay in ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen  Al-shabaab.

Ciidamadaan ayaa ka baxay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado dhanka maamulka galmudug waxayna ujeedkooda uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Xarardheere ee Gobolka mudug.

Faah Faahinta kala soco Puntland Post Insha allah