Daawo Dr Faroole oo gaarey Garowe, Dhaliilayna Madaxda Puntland

Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe Madaxweynihii horre ee Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed (Faroole) Ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sarre ee baarlamanka dalka Soomaaliya ka dib socdaal uu maanta kaga soo laabtay magaalada Muqdisho .

Boqolaal qof iyo Ciidamo ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta maanta Garowe loogu sameeyay Dr Cabdiraxmaan Faroole, waxaana soo dhaweyn ka dib uu ka hadlay socdaalkiisa iyo dhaliilo uu usoo jeediyay maamul goboleedyada dalka gaar ahaan madaxda maamulka Puntland .

Wariyaasha oo su,aalay Dr Cabdiraxmaan Faroole inuu qeyb ka yahay rag siyaasiin ah oo wada olole siyaasadeed oo hogaanka raba in looga tuurayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa beeniyay warkaas, wuxuuna sheegay cidda wararkaas wada inay tahay cid ka baqeysa in shaqada lagula xisaabtamo, Islamarkaana  wixii ku saabsan arrimahaas ay u joogaan dadka ku shaqada leh sida Saxaafadda iyo Baarlamanka.

Daawo Soo dhaweynta iyo Shirka Jaraa,iid Faroole oo dhamaystiran.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST