Xil-DHibaannada: Soomaali, Soomaali dhalay!..Wakiilladii dad-weynaha! – Maqaal- Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Hawl oo dhan hadday kow tahay, waa dhab inay siday ahayd ama laga rabay Xil-DHibaannada Soomaaliyeed codkoodii iyagoo madax banaan ilaa iyo heer  ay u dhiibteen!…Aleylahay inay yihiin Ilmo Soomaaliyeed!….Aleylahay inay yihiiin ilmihii Halgamayaashii Soomaaliyeed!..Ilmo Daraawiish, ilmihii SYL!… dad-weynaha aad wakiilka ka tihiin ay maanta hubsadeen ama waa u cadaatay inaad iyaga wakiil ka tihiin!…inaad u taagan tihiin danaha dadka iyo dalka sida aad horayba ugu dhaarateen!..waxaana la oran karaa waa tallaabadii ugu horeysay ee geeddi socodka dheer ee hor  yaala ummadda Soomaaliyeed.. laakiin wali fari  kama  qodna!……Wali abeesooyin baa xasaska dhabacan!…Waxa ugu horeeya ee ummadda Soomaaliyeed ay doonayso in la xaqiijiyo waa madax bannaanida ummada Soomaaliyeed!….waad bilowdeen laakiin wali fari  kama  qodna!….waxaa talaabo muhiima ah; in askrigaan aan anshaxa aqoon, askrigaan siduu u dhaqmayo ay ka muuqato  inuu ku soo koray oo uu ku soo taba-bartay, dilka, dhaca, iyo jir-dilka gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya inaad u sheegteen in Soomaaliya  aysan  ahayn  kuwa uu u qaatay, laakiin ay tahay Qaran  madax banaan, taladiisa u gaar tahay, madax banaan, dadkeedana aysan qaadan ebidkood caga jugleyn iyo amar-ku-taaglayn!…..Taariikhda ninkii iska indho tira indho la’aantaas buu ku lumayaa!…

Goormaa Itoobiya waligeed Soomaaliya wax go’aamisay, bal Gebre weydiiya?….Dad badan oo Soomaali ah Itoobiya way dishay iyadoo denbi uga dhigaysa inay Soomaali yihiin!….Dad badan oo odayaal, culumo, iyo wax-garad kalaba leh wali geeri iyo nolol meel ay geysay lama yaqaan, kuwo kale ilaa xilligii ninkii Xelye Salaase ahaa uu dalkaas xukumiyay Alanbaqo ay ku rideen baa lagu sugayaa walina way ku wadaan……Sir-Doonkoodii ilaa iyo maanta Soomaaliya gudaheeda wuxuu ku laayaa wax-gardkii ummadda, odayaashii, iyo qof kasta oo wax ku ool u ahaa jiritaanka ummadda, waa garashada Itoobiya aan ku naqiin, wax aanan ka filayn ma ahayn, laakiin markii ay yiraahdeen dowlad casri ah baan dhisnay, gobollada dalka oo dhan oo uu ku jiro is maamulka Soomaalida waxaan u oggolaanay inay noqdaan gobolo iyaga is maamula, dalka waa federal, gobolna ma maamulayo gobol kale, waxaa dad badan rumaysnaayeen in Itoobiya ay bedeshay siyaasaddii ay gumeystaha la wadaagtay, laakiin waxaa wax kasta cadeeyay siyaasadda ay guud ahaan kula dhaqantay dadka Soomaaliyeed walina ay kula dhaqmayso!….

General-ka itoobiyaanka ah ee Gebre muxuu ka duwanyahay DHurwaagii habeen walba taagnaa muska xerrada ee la weydiiyay “Caano ma taqaan?”  Markaasuu yari “haa, waan aqaan, habeen kastaan arkaa.”  Markaasaa la yiri “side bay u egyihiin?” markaasuu isagoo is xariifinaya oo qoslaya yiri “ sow kuwa madowga ah oo habeen kasta oodda dusheeda laysaga dhiibo ma aha!” oo caanihii wuxuu u qaatay dhiilkii caanaha lagu maalay!….Gebre muxuu yiri “Soomaali anigay iga cabsadaan waana inay doortaan hebel!….” madashii wada-tashiga iyo wuxuu kala garan waayay Soomaali!….

{Xil-DHibaannada waxay muujiyeen inaaysan ka naf jeclaysanayn danaha Qaranka }

Hailemariam Desalegn Boshe, wuxuu kala sooci kari waayay wanaaga iyo faa’iidada labada dal ay ka heliyaan haddii uu deris wanaag iyo ku shaqeeyo siyaasad wax ku ool ah oo uu Soomaaliya ku garab istaagi lahaa siday uga bixi lahayd dhibaatada ay ku dhacday, iyo siyaasaddii ku salaysnayd fikradaha gaboobay ee guumeystuhu dhegta ugu sheegay. Wuxuu rajo ka qabaa in madax kasta oo timaadda ay ku shaqaynayso in ay isaga hub ka raadsan doonto ama ay kalsooni weydiisan doonto si ay xukunka ugu raagto, haddii kale uu Al-SHabaabta Sir-Doonka Itoobiya uu ku soo fasaxi doono, sidaasna ay talada dalka gacantiisa ugu jiri doonto!…. sida ii muuqatana Itoobiya Eebbahay ma solonsiin wanaagga aan sheegayo!….Maanta iyadaa fursadda gacanteeda ku jirtay, waxay ahayd xataa inay ka qayb qaadato gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya, laakiin wali waa ay ka weynaan la’dahay daadahdii guumeystaha!….

Allaah mahad leh! Mahad oo dhan Allah baa leh!…Xil-DHibaanow Aabihiin waa kuma?! “Soomaali!” Hooyadiin waa tuma ?!“ Soomaali!” “yaad xil-dhibaano u tihiin ?” “Soomaali! Soomaali!…Soomaali!..” waxayna doorteen madax-weyne Soomaaliyeed oo uusan magaciisu ahayn, Abebe, Tafri,Tasame…..Waxay noqotay maalin taariikheed February 8, 2017, waa maalin ku astaysansantay maskaxda qof kasta oo Soomaali ah!…. Xil-DHibaannada Soomaaliyeedna waxay mudan yihiin Bogaadin iyo Mahad!….Geesinimmadu waa taas ay Xil-DHibaannadu muujiyeen! Doorashada madax-weynaha waxay ahayd shaqadii u horeysay iyo tijaabadii kowaad ee Xil-DHibaannada, waxayna muujisay siday dhab uga tahay inay u adeegaan dadka iyo dalka…..Dad-weynuhuna waxay ku hiranayaan dhaqanka wanaagsan ee ay bilaabeen Xil-DHibaannada, waxayna ku faraxsanyihiin inay uga hiiliyeen shir-qoolkii ay mareegeen Xasan SHiikh Max’uud, Max’ed Cismaan Jawaari, Cumar Cabdi-Rashiid cali SHar-Ma-Arke, Gen. Gebre, Michael Keating, iyo madaxda maamul goboleeddada….waxaana yaabka-yaabkiisa ah danta midayn karaysay intaas oo ay ugu heshiiyeen inay af-duubaan rabitaanka ummadda!!…Aqristow bal adigu macnee!….

Bal hadda ila feker, maxay intaas ku heshiin karayeen oo Soomaaliya danaheeda ahaa?!……mid shaki kuma jiro, General-ka Itoobiyaanka ah inuu dano dowladdiisa u soo wakiilatay uu ka hadlay, Michael Keating asna sidaasoo kale uu ka hadlay danaha uu dalka u yimid ee loo diray, laakiin madaxdeenii isku magacowday Madasha Wad-Tashiga Soomaaliyeed waxay ka hadleen waxaan ka garan karaynaa faro gelintii ay Itoobiya ku samaysay doorashadii madax-weynaha, iyo siday ay uga aamuseen (Taageereen) Michael Keating iyo waxa Beesha Caalamka loogu yeero, waxaan garan karnaa kooxdii sida burcadnimmada isu gaashaan buuraystay ee isku magacaabay Madasha Wad-Tashiga Soomaaliyeed wixii ay ku qanceen, ama ha ahaato xil loo ballan qaaday ama ha ahaato aduun la siiyay iyo lacag, laakiin iyaga maxay baxsheen?!….Yaa garan kara waxay baxsheen!!….Ma isku diidannahay in Xasan SHiikh Max’ud markay Itoobiya u balan qaaday inay madax-weyne ka dhigayso ay dan ka lahayd, shaki la’aan iskuma diidanin, inay wax isku ogaayeenna waxaa cadayn u ah sidii ay Itoobiya isu soo qaawisay, iyo sida uu Xasan Shiikh Max’ud u aamusnaa isagoo waliba ah madax-weynihii dalka ah oo uusan marna wax jawaab ah haba yaraatee uga bixin faro gelinta ay Itoobiya ku samaysay arrimihii doorashada, taasi macnaheeda waxaa weeye in Xasan SHiikh Max’uud uu Itoobiya la galay heshiis kale oo ah (Memorandum of Understanding) oo aan waxba ka duwanayn midkii Kenya lala galay….Hasa ahaatee waxaa Alle innagu badbaadiyay geesinmmada iyo garashada Xil-DHibaannadeena kuwaasoo si kasta oo ay Itoobiya ugu caga juglaysi diiday inay ka naf jeclaystaan danaha qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed  ee ay wakiil ka yihiin!….Xil-Kasnimmadu waa intaas!….

{Xasan SHiikh Max’ud mar hore ayuu dhici lahaa laakiin Jawaari baa ilaalo ka ahaa!…}

Max’ed Cusmaan Jawaari, waa yimid, wuxuuna ka haray nidaam ku can baxay musuqmaasuq, wax is-daba marin, xatooyo xoolihii ummadda iyo hantidii qaranka,si kastaba ha ku yimaadee waxaa intaas u dheer inuu si qoto dheer ugu dhex milnaa siyaasadda dalka muddo nus qarni ka badan; Agaasime, Waziir, ilaa guddoomiye baarlamaan, laakiin nasiib daro ay khibraddiisu aysan dad iyo dal waxba ka macaashin!….Wuxuu si cad oo gar-daro ah u riday ra’iisal wazaare Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) isagoo la safan Xasan SHiikh Max’ud, wuxuuna ka mid ahaa tiro sideetameeyo lagu sheegay oo Xil-Dhibaannadii hore ahaa oo uu Xasan SHiikh u haystay inuu codkooda ku sharciyeeysto wuxuu doono, sida ra’iisal wazaaraha uu ridayo ha ahaato, ama ha ahaato inaan isaga (Xasan) mooshin laga keenin….Haddana mar kale isagii baa Af-Hayeen inoo ah!…….Waa wax kasta ka filo!…

Xasan SHiikh Max’uud, wixii uu bi’iyay iyo inuu sharciga ku tunto wuxuu fasax uga helay Af-Hayeen Max’ed Cusmaan Jawaari, waxaan xasuusnahay labo jeer oo Xasan SHiikh Max’ud mooshin laga keenay inuu Jawaari qirtay inuu isagu ku dhameeyay wada hadal!…..Wada hadal!…xuquuqdii dhamayd ee ummadda, ee la hor keenay golihii wakiillada buu hor joogsaday, muxuu ku sharciyeeyay inuu yiraahdo anigaa wada hadal ku dhameeyay!….waxaa iyadana marqaati ma doonta ahayd oo nin kasta uu ka war qabaa inuu hor joogsaday markii uu damcay ra’iisalwazaarihii hore Saacid inuu hor tago golahii shacabka hortooda si uu isu difaaco!….sidaasoo kale wuxuu Jawaari isagoo Xasan SHiikh Max’ud difaacaya wuxuu qayb lixaad leh ka qaatay riditaankii ra’iisal wazaarihii hore Cabdi-Wali SHiikh Axmed….Wuxuu ku mashquulay inuu la dagaalo dhismihii maamul goboleedka Jubbaland, wuxuu ka aamusay oo dhegagaha ka furaystay dagaalladii ka socday SHabeelaha-Hoose, hantidii ummadda ayaa la lunsaday, hantidii ummadda ayaa dalal shisheeye si shakhsi Xasan SHiikh saaxiibnimo iyo waji uga samaystay….

Jawaari Af-hayeenkii golaha shacabka Soomaaliyeed ayuu afar sano soo ahaa maalin keliya wixii cabasho soo baxayay midna kama jawaabin, golihiina wuu ka hor joogsaday!….Afar sano ayuu ku soo dhameystay Tacsi, Tahniyad, iyo Hambalyo, uu Xasan Shiikh Max’ud la dirayo!….waxaan marar badan ka shakiyay oo aan u qaatay inuu yahay xubin ka mid ah xizbiga qaawan ee magaca quruxda badan ee Nabadda iyo Horumarka ee Xasan SHiikh Max’ud….si kastaba ha ahaatee Af-Hayeenkeena barlamanka qayb weyn buu ka ahaa dhibaatada iyo boobka dalka loo geystay, wuxuuna hor joogsaday oo turaanturo uu ku ahaa hawlaha golihii uu af-hayeenka u ahaa isagoo Xasan SHiikh Max’ud ilaalinaya!….. Jawaari wali waa KHatar taagan!…

{Rabitaanka SHacabkiina waad hanateen ee ma haysan karaysaan?!}

Waxaan mar kale u hambalyeyniyaa Xil-DHibaannada labada aqal, sida ay u cadeeyeen inuu Eebbe uumay iyagoo xor ah, xornimadaasna aan wax lagu gadi karo aysan jirin! Soomaalinimada ninna ma iibsan karo, markuu daqar soo gaarana wiil badbaadsha baa Eebbe u kiciyaa, bal ka feker, siduu u dhashay sanadkii 2016kii, ilaa intii ay is bedeleen Nicholas Kay iyo Michael Keating, waxaa soo socday qorshe ay labadaas nin u kala dambeeyeen oo ninna uu diyaariyay ninna looga tegay dhamays tirkiisa, kaasoo ujeeddadiisu ahayd si  loo ebyo heshiisyo qarsoodi ahaa oo Xasan SHiikh Max’ud la galay dalal uu ku jiray ingiriika iyadoo lagu shaqaynayo siyaasad surro gal ka dhigaysa in ninkaas xafiiska lagu hayo ilaa 2020ka. Si arrintaas loo meel mariyana Michael Keating iyo Xasan Shiikh Max’ud waxay la yimaadeen qorshahooda af duubka ahaa, oo ka bilowday in dalka lagu qasbo codeynta ka dhacaysa inay noqoto nidaam beeleedkii 4.5 ilaa la sameeyay dhagartii weyneyd ee loogu magac daray Madasha Wada-Tashiga Soomaaliyeed!….

 

Mashruucaan khayaannada ahaa dhaqso waa u bislaan waayay, taasna waxay keentay in doorashada xilligeedii 4-bilood dib uga dhacdo, waxaa taas ku xigay in odayaashii dhaqanka ee soo xuli lahaa xil dhibaannada magacoodiina la adeegsaday talladiina ay kala wareegeen madaxda maamul goboleeddada si ay u soo xulaan Xil-Dhibaano Xasan SHiikh max’ud u codeeya, intaas laguma ekaanee waxaa la soo rogay lacag lagu xiray qof kasta oo raba inuu xil-dhibaan noqdo ama madax-weyne u tartamo, waxaa la sharciyeeyay oo la xalaaleeyay musuqmaasuqii iyo laaluushkii iyadoo ku talo galku yahay in Xasan Shiikh Max’ud la lacageeyo qofka keliya oo lacagtaas bixin karana uu isagu noqdo….. DHagarta intaas la eg dalalka ugu muhiimsan ee ku lugta lahaa waxaa ka mid ahaa Turkiga,iyo Itoobiya oo iyagu aad inay ku indho go’naayeen ama ay la noqotay dalku inuu guri Xasan SHiikh Max’ud leeyahay!….Michael Keating ayaa isaguna garaacay durbaan u diryaamaya oo been ah isagoo ku celcelinaya ama isu muujinaya inuu diidanyahay musuqmaasuqa, dhinaca kalana aaminsanaa inuu Xasan SHiikh dhamaystiro heshiisyadii ay wada galeen David Cameron, oo ahaa?! Bal Jawaari ha la weydiiyo in uu ka war qabo!….

Xil-Dhibaannada, dhagarta intaas la eg si loogu qasbo in codkooda lagu ansixiyo dowladda Itoobiya ayaa isu soo bowdyo qaawisay inay si cad u sheegto inay taageersan tahay in mar labaad Xasan SHiikh Max’ud xafiiska loo soo doorto ilaa heer sida la sheegay ay handadaad ku samaysay xil-dhibannada qaarkood, hasa ahaatee boolo-xooftayntaas xil-dhibaanada kama weecin inay u codeeyaan si xor ah oo ay doortaan madax-weyne ay iyagu door bideen, iyagoo waliba ogsoon xaaladda ammaankooda inaysan sugnayn…Geesinimmadu waa taas ay Xil-DHibaannadu muujiyeen!….waana taas midda kor u qaaday maqaamka iyo sumcadda ay maanta dad-weynaha u hayaan mase haysan karaan sharaftaas, iyo waliba abaalka uu shacabooda u hayo ilaa laga gaarayo 2020ka, si mar labaad loo soo doorto ninkood nolol Alle ku gaarsiiyo!…. Xil-DHibaannada, Soomaali, Soomaali DHalay!..

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
Suxufi Madaxbanaan