Uhuru Kenyatta oo aan ka soo qeyb galeeynin Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Muigai Kenyatta ayaa ka cudur daartay in uu kasoo qeyb galo Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee dowladda Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhacaysa 22-bishaan February oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee Todobaadka dambe.

Madaxweyne Uhuru Muigai Kenyatta oo kamid ah Madax lagu marti qaaday in ay kasoo qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaliya ayaa sheegay in uu culus weyn haysto islamarkaana aysan u suurta gali doonin in uu kasoo qeyb galo Caleema-saarka Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sababaha ugu weyn ee ugu baaqsanaayo ka qeyb galka Xafladda caleema-saarka ayuu sheegay in ay tahay in uu dajistay qarshooyin kale ayna kamid tahay in dhawaan safari uu ku tagi doono qaar kamid ah dalalka Caalamka.

PUNTLAND POST