Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkiis oo lagu dilay dalka Malaysia

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jon Un, walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabo Kim Jon Nam ayaa lagu dilay dalka Malaysia, ka dib markii lagu dhex sumeeyay Mr NamĀ  garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur.

Telefishinka Chosum ee dalka Waqooyiga Kuuriya waxa uu baahiyay in Kim Jon Nam, lagu sumeeyay airport-ka dhexdiisa islamarkaana ay fuliyeen fuliyeen dilkiisa labo haween ah oo la aaminsan yahay inay u dhasheen Kuuriyada Waqooyi.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jon Un iyo Kim Jon Nam waa walaalo isku aabo ah balse kala hooyo ah, waxaana la ogyahay in Mr Nam oo hada la dilay uu dalka dibadiisa ka sheegi jiray dhaliilo la xiriira sida ay reerkoodu u maamulaan siyaasada dalka Kuuriyada Waqooyi.

Wasiirka arrimaha dibada ee Kuuriyada Waqooyi waxaa uu sheegay in aysan xogo la hubiyay oo arrintana laxiriira, isagoo sheegay in sirdoonka dalkaasina uusan weli wax xog ah arrintan kasoo gaarsiin iyaga. Balse Dowladda Malaysia waxay sheegtay in ay baarayso sida wax u dhaceen

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST