Aas Qaran oo Bosaso loogu sameyey Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse

Bosaso-[Puntland Post] Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta oo Talaado ah Aas qaran loogu sameeyey garoonka diyaaradaha ee Bosaso marxuum Jen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Jen. Cadde).

Meydka Jen. Cadde ayaa saakey laga soo qaadey magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu ku geeriyoodey, Meykda marxuumka waxaa la socdey Xaaskiisi Cibaado Axmed Xirsi Boqor iyo caruurtiisi oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cadde Muuse, Ubax Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Cadde Muusse.

Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Puntland, Isimo, Madax ka socotay Dowlad Goboleedyada qaar iyo boqalaal qof oo Soomaali ah ayaa goobjoog ka ahaa Aaska Marxuumka, oo mudo la soo Agaasimayay.

Qaar kmid ah Isimada Puntland oo goobta ka hadlay ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Jen. Cadde Muuse oo ay ku tilmaameen qof shaqsiyad wanaagsanaa.

Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake, Mowliid Xuseen Guhaad Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Barlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya, Iyo Raysal wasarihi hore ee Dowladi KMG aheyd ee Soomaalya Cali Maxamed Geeddi ayaa iyaguna Tacsi la wadaagay dhamaan qarabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Cadde Muuse.

Madaxweynah Puntlad Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in Marxuum Cade Muuse Xirsi  uusan ka dhiman ahelka iyo Qaraabada uu ka soo jeedo balse uu ka dhintay Umada Puntland.

Marxuum Jen. Cadde Muuse ayaa lagu Aasey banaanka Koonfureed ee garoonka diyaaradaha Bosaso waxaana salaadii ku tukadey dad ka badan kun qof.

8 Febaraayo 2017 ayuu ku geeriyoodey isbitaal ku yaala Dubai halkaas oo uu ku xanunsanaa muddo 10 maalmood ah.

dhawaan filo Barnaamij Dhamaystiran

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST