Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Xildhibaan Siciid  Xasan Geedi oo ka mid ahaa xildhibaanada Aqal hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku  xanuunsanaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu doortay Muqdisho ee ka soo jeeday Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, wuxuuna ka maqnaa Doorashadii Madaxweynaha ee 8-dii Bishan lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoonka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Siciid Xasan Geedi, waana Xildhibaankii Labaad oo Barlamaanka cusub ka geeriyooda, iyadoo horey xildhibaan ugu geeriyooday magaalada Garowe.

PUNTLAND POST