Nin 54 sano ku xanibnaa Hindiya oo la fasaxay

Wang Qi

Wang Qi waa 77 sano jir ka tirsanaan jiray ciidanka Shiinaha waxa uu Sabtidii ku soolaabtay  dalkiisa, ka dib 54 sano oo uu ku xanibnaa dalka Hindya.

Mr Wang  waxaa u haa Askari dagaal ku jiray oo si khalad ah ugu gudbay xuduuda dalka Hindiya bishii Janaaayo sanadkii 1963-dii, intii mudadaas ka damaysayna waxa uu sugaayey warqada u saamixi karta in uu dalkiisa dib ugu laabto.

Mr Wang waxaa caasimada Shiinaha ee Beijing ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah qoyskiisa, ka dibna waxa u sii gudbay magaalada uu asal ahaan ka soojeedo ee Xianyang halkaas oo boqolaal qof ku soo dhaweeyeen, kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen “Aski ku soo dhawow dalkaagii waxaad soo martay safar dhib badan”.

Mudadii uu Wang ku xanibnaa dalka  Hindiya waxaa guursaday Xaas Hindi ah oo lagu magacaabo Sushila isagoo la noolaa ilaa 1969, iyadoo ku dhashay Lix caruur ah.

Wang Qi waxaa uu ciidamada ku biiray sanadkii 1960-kii waxaana shaqadiisu aheyd Khidad bixiye ka tirsan ciidamada Shiinaha markii laqabanayeyna waxa uu ku maqnaa Sahan.

“Xerada waxaan uga baxay Sahan, ka dib wadii ayaan ka lumay, waan daalay, waana gaajooday, waxaan arkay gaari Laanqeyrta Cas leedahay, waaxaan waydiistay in ay icaawiyaan, waxayna igu wareejiyeen ciidamada Hindiya, waxaan mudo Todobo sano ah ku xirnaa xibsiyada Hindiya, waxaana markii danbe isiidaysay Maxkamad sanadkii 1969-kii, intaas wixii ka danbeeyay waxaan ku noolaa tuulada Trido oo ka tirsan gobolka Madhya Pradesh ee Hindiya, layma ogalayn in aan dalka ka baxo “ ayuu yiri Mr Wang oo warbaahint la hadlayay.

Mr Wang looma ogolaan in uu qaato baasaboorka Hindiya mudadii uu dalkaas ku xanibnaa, wuxuuse helay baasaboorka Shiinaha sanadkii 2003, lama oga inuu dib ugu laa banayo Hindiya iyo in kale.

PUNTLAND POST