Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo 7 Qof dil Toogasho ku Xukuntay

Bosaso-[Puntland Post] Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobol ayaa maanta xukuno dil ah  ku riday Todoba dhalinyaro ah oo lagu eedeyey in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab islamarkaana ay falal dil ah ay u geysteen Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo dhawaan lagu dilay Magaalada Boosaso.

Markii uu xukunkani dhacayey waxaa maxakamadda goob joog ka ahaa Qareeno u doodayey dhalinyaradan lagu eedeyey in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dhalinyaradan ku eedaysan  Al-Shabaab islamarkaana la sheegay in ay falal dil ah ka geesteen Magaalada Boosaso ayaa Maxakamadda ka hor hadlay iyagoona iska fogeeyey in ay ku lugleeyihiin danbiyadan Maxkamadda lagu horkeenay, mudadii la hayeyna loo gaystay jir dil.

Qareenada u doodayay dhalinyaradan ayaa dhankooda sheegay in aysan wax cadayn ah oo muuqda la horkeenin Maxkamadda isla markaana loo bahan yahay in ay dhalinyaradan ay helaan Cadaalad si kiiskooda loo qaado.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabaka sida ee Shanta Gobol ayaa sheegay in ay iyagu isku markhaati fureen oo qaarkood walaalo yihiin kuwa kalana ay sheegen inay ka tirsan yihiin Al-shabab.

Gudoomiyaha Maxkamadda  Ciidamadaa Qalabka sida ee shanta Gobol Cabdi Fataax Xaaji Aadan  ayaa ugu dambayntii markii uu dhagaysatay dacwadda waxa uu riday xukun dil Toogasho ah .

Qabka uu Xukunku u dhacay

Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)

Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )

Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )

Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )

Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )

Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )

Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )

Magaalada Boosaso ee Xarunata Gobalka Bari, ayaa waxa bilihii la soo dhafaya dilal isdaba joog ah loogu gaystaya masuuliyiin ka tirasan Puntland .

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST