Madaxweynaha Puntland oo goor dhaw ka soo dagi doona Garoonka Diyaaradaha Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa goor dhaw ka soo dagi doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari.

Madaxweynaha ayaa wax ay wararku sheegayaan in socdaalkiisa Boosaso uu ku imanayo uu qab ka yahay Raysal wasaarihii hore ee soomaliya Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaake.

Waxaan si aad ah looga dareemayaa imanshaha Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxmed Cali Gaas magaalada Boosaso wadooyinka isku xira Garoonka diyaradaha iyo Madaxtooyada ayaa wax la keenay ciidamo iyadoona wadooyinka qaar ay xiran yihiin.

Madaxweyne gaas ayaa malmihii la soo dhafay waxa uu kusugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya halkaas oo uu kaga qab galay Doorashadii lagu dooranayey Madaxweynaha soomaliya,Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POSTÂ