Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo sheegtay in aan la xiran Xerada Qoxootiga ee Dhadhaab

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay inay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab,  oo ay ku nool yihiin soomali faro badan.

Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn.

Waxaa kale oo ay sheegtay in go’aankaasi uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga halkaasi ku nool

Go’aanka dowladda wuxuu si gooni ah u bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka sooq aaday mid aan waxba ka jirin” ayuu yiri John Mativo, xaakimka maxkamadda sare.

Bishii May ee sanadkii tagay ayaa wasiirka amniga ee Kenya wuxuu shaaciyey in Kenya ay albaabada u laabi doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qaxooti ah.

Kenya ayaa xeryaha qaxootiga sheegtay iay noqdeen meelo laga soo maleego weerarada argigixisada, gaar ahaan weeraradii ka dhacay dalka Kenya, eedeyn ay si xooggan u beeneeyeen qaxootiga iyo hoggaamiyaashooda.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST