Madaxweynaha cusub ee Somaliya oo Maanta la kulmay wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta  la kulmay wakiilada caalamiga ah ee kusugan Muqdisho, oo ay ka wada hadleen arrimaha Siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ka gudoomay Salaan Sharafeed ay xubnahan u soo qadimeen, waxaana ka dhex muuqday Wakiilka sida weyn Soomaalidu u jecleyn ee Jen, Gabre oo ka socday dawladda Itoobiya.

 

Madaxweynaha soomaliya ayaa wakiilada kala hadlay xalada abaareed ka jirta gudaha soomaliya iyadoona dhawr jeer ooh ore ay beesha Calmku ka digtay in macaluul darani ay dalka ka dhacado.

 

Madaxweyne Farmaajo oo xalay noqday Madaxweynaha soomaliya ayaa waxa xiligan hor yaala arimo badan oo la xiriira xaalada guud ahanad ee dalka.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST