Daawo:-Reer Garoowe oo si weyn ugu dabaal-degay Madaxweyne Farmaajo

Kumanaan qof iyo Gadiidka noocyadiisa kala duwan oo u dabaal degaya guusha uu ka gaarey tartankii doorashada Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  caawa isugu soo baxay jidadka iyo fagaaraha ay caanka ku tahay magaalada Garowe.

Dadkaan oo isugu jira dhalinyaro, aqoonyahano,haween iyo ganacsato qiireysan ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxayna ka warameen dareenkooda oo ahaa mid qiiro mug weyn xambaarsan.

Warbaahinta Puntland Post ayay u suuro gashay inay muuqaal kooban idinka soo gudbisay jawiga iyo damaashaadka ka qabsoomay magaalada Garowe ka dib doorashadii xalay Madaxweyne Farmaajo.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.