Weerar Khasaare geystay oo lagu qaaday Hotel international Village ee Bosaso

Boosaso-[Puntland Post] Hotelka international Village ee Magaalada Boosaso ayaa waxa saaka subaxanimadii hore weeraray qorshaysan ku qaaday dabalaya hubaysan.

Wararka ayaa sheegaya in la dilay labo kamid ah dabalaydii weerarka soo qaday   waxana sida oo kale halkaasi lagu dilay afara kamid ah ilaladd Hotelka.

Maamulka gobalka Bari oo Puntland Post xiriir la sameyey ayayna u suuro galin .

Hotelka ayaa sida la sheegay waxa xalay dagay saraakiil ka tirasan Ciidamada Puntland Gaar ahan kuwii hogaaminayey werarkii lagula wareegay Degmada Qanadal oo ka tirasan Gobalka Bari.

Wixii soo kordha inshalah la soco Puntland Post

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST