Shirkadda TAKAFUL INSURANCE OF AFRICA oo lacag ugu deeqday Airport-ka Garowe

Shirkadda Takaful Insurance of Africa ayaa maanta gudoonsiisay Guddiga Leyr-galinta Garoonka Diyaaradaha Garowe lacag deeq ah oo dhan Saddex kun $ 3,000 oo dollar .

Maamulaha Shirkadda TAKAFUL INSURANCE OF AFRICA qeybteeda Puntland Maxamed Xasan Suleybaan ayaa si wada jir ah ugu wareejiyay Duqa magaalada Garowe Xasan Ciise (Xasan Goodir) iyo Gudoomiyaha Guddiga Taakuleynta Airport-ka Garowe Cabdifataax Maxamed Cabdi lacagtaan gaareysa 3,000 oo dollar.

Maxamed Xasan Sulaybaan maamulaha Shirkadda TAKAFUL INSURANCE OF AFRICA ayaa sheegay inay deeqdan uga qeyb qaadanayaan layrar galinta Garoonka Garowe, halka ay sidoo kalena uga mahadceliyeen madaxdii ka gudoontay deeqda maanta kazoo gaartey Shirkadda caymiska ee TAKAFUL.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST