Ololaha Doorashada Musharaxiinta oo saddex garab noqday “Hadal_hayn”.

Murashaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa u muuqda kuwo u qaybsan saddex qaybood oo wadar iyo keli ah,marka loo eego qaabka xulufeysiga iyo qorshayaasha ay ku wajahayaan loolanka adag ee maalinta beri ah haddii uu alle idmo loogu tartami doono Kursiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaybta kowaad ee musharaxiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday kuwo uu hor boodayo Musharax Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagu inta badan ahaa kulmiyaha musharaxiinta iyo siyaasiinta isbedel doonka ah balse hadda waxaa muuqata inuu ku biirey Shiikh Shariif Garabka Raysal wasaare Cumar Abdirashiid ka dib is afgarad laga gaarey kulan xalay ku dhex maray guriga uu muqdisho ka degan yahay Cumar Abdirashiid.

Cabdiraxmaan Faroole oo sida lagu tirinayay ka mid ahaa xulufada udub dhexaadka u ah qadiyadda isbedel doonka iyo xulufeysiga musharaxiinta uu horkacayay Shiikh Shariif ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqay inuu ka harey tartanka doorashada lama qiyaasi karo saameynta ay arrintaasi ku keeni karto huwantii musharaxiinta.

Waxaana ka socda Muqdisho xilli ay saacado yar innaga xigto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Ololohii ugu danbeeyey, waxaana suurto gal ah waqtiyada soo socda xubno hor leh oo ka tirsan Musharaxiintu inay ka gaabsadaan u tartamida xilkan.

Si dhab ah looma oga huwanta Musharaxiintu inuu fuulay culaysyo keli keli ah iyo inay tani tahay xeelad kale oo ay ku garab siinayaan kuwoodii ugu tunka weynaa sida Shiikh Shariif oo hadda heshiis afgarad la gaarey Cumar Abdirashiid.

Qeybta 2aad ee Musharaxiintu waa labo musharax oo siyaasad ahaan kala fog balse isaga mid ah sifooyinka Islamarkaana aan gacan saar la lahayn musharaxiinta kale kuwaas oo kala ah Cumar Cabdirashiid iyo Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo walow Cumar Cabdirashiid uu heshiis afgarad uu hadda la gaarey musharaxa tunka weyn ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Rajada Musharax Cumar Cabdirashiid ayaa waji ka duwan kii hore yeelatay tan iyo intii ka dambeysay markii uu Muqdisho gaarey Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo warar madax banaan ay sheegayaan inuu halkaas ugu geeyay lacag Dowlada Imaaraadka Carabtu ku taageereyso ololaha  doorashada Musharax Sharmaake.

Qeybta saddexaad ee Musharaxiinta ayaa ah kuwo aan hadafkooda dhaafsiisnayn  inay hoolka galaan ama ay jeediyaan khudbadaha labada golle.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST