Maamulka Degmadda Bosaso oo Amar ku soo Rogay Gadiidka Taksiga

Gadiidaka u adeega bulshada ee loo yaqaan taksiilayaasha oo ka shaqeeya magaalada Boosaso ayaa waxa lagu soo rogay Amaro cusub oo uu soo saaraya Maamulka Degmada Boosaso.

Iyadoona dhamaan la xareyey Gadiidka Taxsiilayaasha ku waas oo lagu xareyey Garoonka kubada cagta ee Boosaso.

Talabadan lagu xareyey gadiidaka ayaa lagu macnayey sugida amniga, bilicda Boosaso, iyo gadiidkan oo aan lahan intooda badan Aqoonsi la xiriira qaabka ay uga dhex shaqaynayaa  magaalada Bossaso ee xarunta gobalka Bari,.

Calaamada lagu garanayo in Gaarigan uu taxsi yahay iyo in kale  xafiis ay ku midaysan yihiin  iyo gudi la shaqeeya Maamulka degmada Boosaso ayaa lagu Amray diroowalada wada gadiidaka taxsiilayaasha.

Duqa degmada Boosaso Yaasiin Maire Maxamuud ayaa ku Amaray gadiid layadan in ay qatan Amaradan si loo sugo Amaanka loona yareeyo gadiidkan faraha badan ee ka shaqeeya magaalada Boosaso.

Mid kamid ah diroowalada ka xeeya gawaarida lo yaqaan taxsilayaasha ayaa sheegay in Maamulka ay isku af garteen sidii ay u wada shaqan lahayeen xiligan ay wada shaqan diyaar u yihiin islamarkaan ay Amaradan cusub ay qaadan doonan.

Talabadan ay qaaden Maamulka degmada Boosaso ayaa noqonaysa mid lagu sugayo Amaanka Boosaso iyo xadidaad lagu samaynayo gadiidka farah badan ee ka shaqeeya Boosaso.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST 

XAFIISKA BOOSASO