Kooxda Daacish oo biyihii ka goysay magaalada QANDALA

Waxaa maalintii afaraad ka go,an magaalada Qandala ee Gobolka Bari biyihii ka dib markii ay jareen tuubooyinka biyaha u qeybiya magaalada Kooxda Daacish oo wararku sheegayaan inay saldhig ka degan yihiin buur magaalada 2 KM u jirta oo la yiraahdo TOOX.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada Puntland bil ka hor dib ugala wareegeen QANDALA kooxda uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin .

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee saldhiga ku leh Qandala ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST jarista kooxda daacish tuubooyinka biyaha u qeybiya magaalada Qandala.

Biyaha laga cabo xaafadaha magaalada Qandala ayaa ka yimaada ceel ku yaala buurta lagu magacaabo Toox oo magaalada ka xigta dhanka bariga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST