Xulka Cameroon oo ku guuleystay Koobka Qaramada Africa

Xulka kubadda cagta dalka Cameroon ayaa caawa markii 5-aad ku guulaystay koobka Qaramada Africa ee AFCON 2017, kadib markii uu guul soo laabasho ah ka gaadhay xulka  Masar.

Ciyaarta finalka oo ka dhacday magaalada Libreville ee dalka Gabon ayaa ku soo idlaatay 1-2 oo ay guushu ku raacday xulka Cameroon.

Xulka  Masar ayaa iska lumiyey gool ay qeybtii hore ee ciyaarta hogaanka ku qabteen, kadib markii Mohamed  Elneny uu daqiiqadii 21-aad dhaliyey  kubabad xagal ahayd. Cameroon ayaana  qeybtii hore ee ciyaarta awoodi wayday in ay difaaca Masar dhaafto oo ay la timaado goolka barbaraha, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0.

Markii qeybtii labaad laysku soo laabtay ayaa xulka Cameroon helay goolka barbaraha, kadib markii uu gool madax gantaal ah u saxiixay Nicolas N’Koulou isagoo caawin ka helay Benjamin Moukandjo Bilé waxayna ciyaartu noqotay  1-1.

Cameroon ayaa dhinaca kale urogtay natiijadii hogaanka daqiiqadii 88-aad ee dhamaadka ciyaar, ka dib markii  gool layaab leh shabaqa ku ruxay Vincent Paté Aboubakar, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-2 oo ay hogaanka ku hayso Cameroon.

Xulka Cameroon oo koobka Qaramada Afrika labo final oo hore ay guuldaro kala kulmeen Masar ayaa ugu danbayn ku guuleystay.

PUNTLAND POST