Wasaarada Deegaanka Puntland iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Daahfuray Mashruuca Xog-isgaarsiinta Isbedelka Cimilada

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u qaabilsan arimaha Deegaanka iyo Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ayaa si wadajir ah u daahfuray Mashruuc cusub oo loogu talagalay in lagu uruuriyo islamarkaasna la isku gaarsiiyo xogta isbedelka Cimiladu saamaynta uu ku leeyahay dalka Soomaaliya waxaana Mashruucan loogu talagalay in looga faa’iidaysto in si dhow loo ogaado dhibaatooyinka uu isbedelka cimilada Aduunku ku keenay Soomaaliya si loo qaato go’aamo wadajir ah oo lagu badbaadinayo dadka, Duunyada iyo Deegaanka uu saamaynta ku yeesha isbedelka cimiladu.

Kusimaha Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Maxamed Ciise Maxamed oo furitaankii bandhiga Mashruucan oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo hay’adaha UNDP iyo GEF oo iska kaashaday in Mashruucan Puntland lasoo gaarsiiyo islamarkaasna wuxuu sheegey in mashruucan la filayo in uu wax wayn ka gaysto sidii loo hakin lahaa ugu danbayntana loo qabsan lahaa dhibaatooyinka Muuqda ee isbedelka Cimiladu ku yeeshay nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u qaabilsan arimaha Deegaanka Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) oo kamid ahaa madaxdii ka qaybgashay daahfurka Mashruucan ayaa sheegey in Mashruucan loogu talagalay in si gaar ah loogu ogaado baahiyada bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan sida loola tacaali karo Isbedelka Cimilada aduunka oo saamayn wayn ku yeeshay bulshada, Mr, Xidig danka kale wuxuu sheegey in Mashruucan shaqooyinka uu qaban doono ay tahay in la ogaado xaalada Deegaan ee uu dalku ku jiro, islamarkaasna la qiimeeyo Gaasaska dabiiciga ah ee sababa isbedelka cimilada, waxaa kale oo uu agaasimuhu sheegey in Mashruucani uu si cilmiyeysan u baari doono loogana fakari doono xaalada ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed xiligaan adag gaar ahaana Biyo Yarida, abaaraha, duufaanada iyo dhibaatooyinka kale ee soo laalaabta oo isbedelka Cimiladu kalifay.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Mudane Faarax Cali Cabdi oo si rasmi ah u daahfuray Mashruucan ayaa sheegey in ay rajaynayaan in mashruucani uu wax badan kusoo kordhiyo xaalada nololeed ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa reer Puntland isagoo dhanka kalena sheegey in Wasaaradaha ay shaqooyinkeeda sida tooska ah saamaynta ugu leeyihiin Deegaanka gaar ahaana Xanaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, Beeraha, Qorshaynta iyo hay’adaha dawliga ah ee Hadma iyo Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland ay Iyana mashruucan qayb ka noqon doonaan kuwaas oo inta mashruucu uu socdo ka qaybgali doona dhamaan howlaha ku saabsan xog uruurinta iyo tababarada iyo fulinta go’aamada kasoo baxa xogaha la aruuriyo.

Daawo Sawiradda.

PUNTLAND POST