Final-ka Koobka Qaramada Africa oo Caawa dhicidoona

Tartanka koobka Qaramada Africa ayaa lagu soo afjari doonaa caawa dalka Gabon, waxaana hubaal ah in midkood Egypt iyo Cameroon ay hanan doonto madama ay yahiin labada Xul ee soo istaagay kama dambeysta tartankan.

Masar oo tartankaan 7-jeer oo hore ku guuleystay ayaa ka soo gudubtay xulka Burkino Faso kulankii Semi Finalka iyadoo ku soo baxday rigoorayaal, halka Cameroon ay ka soo baxday xulka Ghana, iyadoo labo gool ku soo garaacday.

Masar waxay dooneysaa iney hanato markeedii 8-aad, halka Cameroon ay dooneyso iney hanato markeedii 5-aad koobkan, waxaana labadaan Xul ay laba jeer oo hore isaga hor yimaadeen finalka koobkan, labada jeerna waxaa ku guulaysatay Masar waana sanadahii 1986 iyo 2008.

Mohamed Salah ayaa ah xiddiga ugu qatarta badan xulka Qaranka Egypt, halka Cameroon uu yahay xiddiga Ngadeu-Ngadjui oo laba gool u dhaliyay tartankan.

Warbixinta kulanka

Kulanka: Egypt vs Cameroon

Taratnka: AFCON 2017

Garoonka: Stade de l’Amitie

Magaalada: Libreville.

Saacada: 10:00 PM.

Shaxda macquulka ah ee labda Xul

Egypt:

Essam El Hadary – Ahmed El Mohamady, Ahmed Hegazi, Ali Gabr, Ahmed Fathy – Elneny – Salah, El Said, Ibrahim Salah, Trezeguet – Kahraba

Cameroon:

Ondoa – Fai, Ngadeu-Ngadjui, Teikeu, Oyongo – Siani, Sutchuin Djoum – Moukandjo, Zoua, Bassogog – Tambe.

PUNTLAND POST