Chelsea oo guul ka gaadhay Arsenal, kuna si-qaysa Hanashada Horyaalka

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Arsenal oo ay ku soo dhowaysay garoonkeeda Stamford Bridge kulan ka tirsan horyaalka England ee Premier League-ga.

Chelsea ayaa si dhab ah u qabatay wadadii ay ku hanan laheyd horyaalka Premier League-ga  xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda kaalinta 3-aad kaga jirta horyaalka ee Arsenal.

Kulanka oo ahaa mid xiiso iyo xamaasad badan ayaa si dardar leh ugu bilawday labada kooxood, Chelsea ayaana bilowga ciyaarta waxay ka fursado fiicnayeen Arsenal oo dhankeeda fursado abuurtay.

Chelsea ayaa daqiiqadii13-aad ee bilowgii ciyaarta gool la timid, waxaana madax ku dhaliyey Marcos Alonso, kaddib markii uu madax birta ku dhuftay Costa, waxaana goolkan Arsenal uga dhaawacmay oo garoonka laga saaray xiddigeeda Hector Bellerin.

Goolka labaad ee Chelsea ayaa yimid qeybtii labaad ee ciyaarta, ka dib markii daqiiqo 53-aad Eden Hazard kubbad uu si wacan ula dhexmaray xiddigaha Arsenal u badalay gool, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Chelsea ayaa daqiiqadii 85-aad quusisay Arsenal, ka dib markii uu kabtankii hore ee Arsenale Cesc Fabregas oo xiyaarta bedel ku soo galay uu goolka seddexaad dhaliyey, isagoo ka dhigay 3-0.

U gudanbeyntii Arsena ayaal goolka calanka la timid daqiiqadii 90-aad, waxaana u dhaliyey weeraryahankooda Olivier Giroud oo ciyaarta ka dhigtay 3-1.

Chelsea ayaa haanta horyaalka Premier League-ga ku haysa 12-dhibcood oo nadiif ah.

PUNTLAND POST