Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo dhawaan laga hirgelin doono magaalada Garowe

Garowe(Puntland Post)- Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan laga hirgeliyo Magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland, sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen ganacsatada ku hawlan dhismaha suuqan weyn oo dhawaan bilaaban doona.

Suuqan oo noqon doona kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo laga hirgeliyo Dalka ayaa ka koobnaan doona qaybo kala duwan sida Moolal waaweyn oo ay Dadku ka adeegtaan, beeraha nasashada, Baakino gawaarida la dhigto, astaanka gawaarida iyo gadiidka kale uga safraan guud ahaan Gobaladda kala duwan ee Dalka iyo dibadaba iyo sidoo kale goobo kale oo ganacsi.

Suuqan oo ku fadhin doona dhul baaxadadiisu le’eg tahay dhowr Kilo Mitir ayaa loo asteeyey dhinaca koonfureed  ee magaalada Garowe.

Mid ka mid ah ganacsatada ku hawlan dhismahan ayaa u sheegay Puntland Post inay rajaynayaan in suuqana marka uu hirgalo uu sidoo kale abuuri doono fursado shaqo oo muhiim ah.

Magaalada Garowe ayaa sanadihii danbaba samaynaysay kobac xawli ku socda iyo Horumaro kala duwan, iyadoo ay ganacsiyo kala duwan ay kusoo kordhiyeen qurba joog Soomaaliyeed oo ka kala  yimi daafaha caalamka iyo weliba Dadka ku nool gudaha Dalka oo iyaguna si xoogan u maalgashanaya magaaladan, waxayna Dad badan sheegaan inay ugu wacantahay nabadgalyada buuxda iyo cimiladeeda oo ah mid si aada loo amaano.

PUNTLAND POST